USAID oo joojisay cunnada ay siin jirtay Itoobiya.

USAID oo joojisay cunnada ay siin jirtay Itoobiya.

Washington (Raxanreeb) — Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Dowladda Mareykanka ee loosoo gaabiyo USAID ayaa joojisay kaalmadii cunnada ahayd ee ay siin jirtay Dalka Itoobiya kaddib markii ay ku doodday in arrimo kale loo adeegsado.

Waxa ay sheegtay Hay’adda USAID in aanay gaarin dadkii loogu talagalay cunnada ay dhiibtay sidaasna ay xaqiijisay kuna gaartay go’aanka ay ku joojisay kaalmada cunnada ahayd ee ay u dhiibeysay Itoobiya.

Afhayeen u hadlay Hay’addaan ayaa sheegay in baaris dheer iyo xog raadin badan kaddib in ay ku guuleysteen in ay soo ogaadaan xaqiiqada jirta oo ugu dambeyn USAID ay qaadatay go’aankaan ay uga dhiidhineyso qiyaanada la sameeyay.

“Hay’adda USAID waxa ay dabagal ku sameysay sida loo maamulo gargaarka gaar ahaan in lagu simay gacanta dadka loogu talagalay, waxaan xaqiiqsanay in aanay dadkaas waxba gaarin oo arrimo kale loo adeegsaday, illaa isbaddel lagu sameeyo waan joojinay kaalmadii cunnada ahayd ee Itoobiya aan siineynay, waa go’aan adag dabcan” ayaa lagu yiri war laga soo xigtay Shabakadda Bloomberg.

Dhowr jeer waxaa Itoobiya laga diiwaangeliyay in la hor istaagay Gargaar bani aadamnimo oo loo qorsheeyay in loo qaybiyo qoysas badan oo saameyn taban ku reebeen colaadda sokeeye iyo abaarta ka jirta Dalkaan.

Weli war kama soo bixin Dowladda Federaalka Itoobiya oo ay uga jawaabeyso go’aankaan iyo eedaha la socda ee kasoo yeeray Hay’adda Mareykanka u qaabilsan Horumarinta ee loosoo gaabiyo USAID.