Villa Somalia oo ka fakaraysa jiha cusub oo siyaasadeed !!

Villa Somalia oo ka fakaraysa jiha cusub oo siyaasadeed !!

Muqdisho (Raxanreeb )- Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa raadinaya jiha cusub oo siyaasadeed  ka dib markii dhawaab si hoose ay isku fahmeen xubnaha qaar ee maamul goboleedyada dalka.

Sida ay sheegayaan falanqeyayaasha siyaasadda madaxwaynaha Soomaaliya ayaa ka fakaraya sidii isbedel  uu ugu dhici lahaa maamul goboleedyada kuwaas oo ku furmi doono qalalaase siyaasadeed.

Madaxda maamul goboleedyada oo ka diiday madaxwayne Xasan Sheekh doorasho qof iyo cod ah ayaa isu diyaarinaya muddo kordhin hor leh taas oo ka dhalan karta caqabad kale oo hor leh.

Siyaasiin badan ayaa u birtumanaya sidii ay  buuq siyaasadeed ugu furi lahayeen madaxda maamul goboleedyada kuwaas oo shaki badan loogu qabo in aysan meelna u socon oo ay sii joogi doonaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa qorshaynaysa sida xogaha ay sheegayaan in ay bedesho maamulada Galmudug iyo  Koonfur Galbeed , halkaas oo ay u doonayso shaqsiyaad –gaar ah.

Ka maqnaanshaha miiska siyaasadda ee Puntland waa caqabad wayn oo ku horgudban madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo raadinaya isbahaysyo cusub oo la gala dagaalka soo wajahan.

Haddii Villa Somalia helin isbahaysi waxa la leeyahay , waxa la kulmi doonaa dagaal kaga imaan doono maalmaha soo socda saamilayda siyaasadeed kuwaas oo dhawraya isbedel ka dhaca dalka.

Xilligan waxa wada aamusan dhamaan madaxda maamul goboleedyada kuwaas oo la sheegayo inay ku qanceen ,  go’aan la xiriiray muddo kordhin dadban taas oo gabi ahaan la diidan yahay.

Si kasta waxaa isha lagu hayaa sida Villa Somalia u heli karto isbahaysi cusub iyo sida ay ula dagaalanto maamul goboleedayda oo qaaday dhabihii muddo kordhinta .

Hanad Ali Guled

Raxanreeb.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.