Villa Somalia oo la sheegay inay ku fashilantay joojinta banaanbaxa mucaaradka

Muqdisho (Raxanreeb Online) sida ay inoo shegeen ilo xog-ogaal Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed u dirtay ergo si uu uga shaqeeyo haddii la baajin karo bannaanaxa iyo qabsoomidda shirkii Madaxweyne Xasan Shiikh ku baaqay.

Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in Madaxweyne Shariif ka biyo diiday inuu garab siiyo Villa Somalia, waxaana uu caddeeyey inuu hoggaamin doono bannaanbaxa.

Sidoo kale xubnaha mucaaradka ayaa horay uga biyo diiday dalabyo badan oo ay soo bandhigtay Villa Somalia.

Sidoo kale arrintan ayaa sii fogeyneysaa isku soo dhawaanshaha mucaaradka iyo dowladda oo hadda maraya meel xasaasi ah.

Sikastaba, waxaa la filaya in maalinta berrito magaalada Muqdisho uu ka dhaco banaanbax mucaaradka.

Wixii kusoo kordho warkan halkan kala soco

Leave a Reply

Your email address will not be published.