Kulan looga hadlayay amniga caasimada oo lagu qabtay xarunta dowladda Hoose

Kulan looga hadlayay amniga caasimada oo lagu qabtay xarunta dowladda Hoose

Muqdisho (Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xalay shir-guddoomiyey kulan looga hadlayay amniga caasimadda.

Kulanka ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray dardargelinta hawlaha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo maamullada degmooyinka, ka hortagga falalka amni-darrada iyo burcadda abaabulan ee dhibaateeya xasilloonida shacabka.

Sidoo kale kulanka ayaa loogu hadlay adkeynta iyo hogaansamidda amarkii kasoo baxay Duqa Magaalada Muqdisho ee ahaa in la hakiyay dhammaan hawlaha fulinta, baneynta iyo jid-u-furista dhulka ee ka socday Magaalada Muqdisho, iyadoona shirka lagu adkeeyay sii joogteynta qorshayaasha wadajirka ah ee lagu xaqiijinayo amniga iyo difaaca shacabka ku nool caasimadda iyo deegaannada ku xeeran, si loo ilaaliyo koboca iyo horumarka Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa hoosta ka xarriiqay in sugidda amniga iyo xasilloonida Muqdisho ay laf-dhabar u tahay horumarka caasimadda iyo guud ahaan dalka, isaga oo faray mas’uuliyiinta iyo hay’adaha amniga in la sii laba-laabo dadaallada lagu ilaalinayo nabadda iyo badqabka bulshada.

Ugu dambeyn kulanka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka, saraakiil kala duwan oo katirsan dowladda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.