Waa Gariiray oo maanta lasoo taagay maxkamadda G/Banaadir

Waa Gariiray oo maanta lasoo taagay maxkamadda G/Banaadir

Muqdisho (Raxanreeb) — Maxkamadda Gobolka Banaadir, ayaa maanta u farriisatay dhagaysiga garmaqalkii ugu horreeyay kiis dacwadeed uu eedeysanyahay Hanad Cabdiraxmaan Maxamed, oo loo yaqaano Waa Gariiray, kaas oo Baraha Bulshada, ku faafinayay falal anshaxa ka fog.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka, ayaa Hanad kusoo eedeeyay faafinta dhaqan xumo iyo waxyaabaha aan u rooneyn bulshada indhahooda.

Xeer Ilaalinta Qaranka, ayaa waa Gariiray, kusoo eedeysay in uu faafinayay muuqaallo iyo sawirro khilaafsan dhaqanka toosan ee Bulshada Soomaaliyeed.

Maxkamadda Gobolka Banaadir, ayaa sooo gabagabeeysay garmaqalka kiiskan maanta oo Axad ahayd, waxayna kasoo saari doontaa go’aan dhowaan sida uu sheegay Xaakimka kiiskan.

Hanad, ayaa toddobaad ka hor soo xireen Booliska Soomaaliya, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay la baarayay kiiskiisa.

Hanad, kiiskiisa ayaa abuuray hadal hayn badan ka abuuray Baraha Bulshada, kaddib xariggisa isagoo bulshadu, intooda badan isdhaafsanayeen qoraallo ah, in Booliska ku saxanyihiin xariggiisa.

Dhanka kale Booliska Soomaaliya, ayaa xabsiga dhigay dhallinyaro isugu jiray Wiilal iyo Gabdho, oo iyagana waday kicin bulsho, Qabyaalad, isku dir, walow qaar aan lasoo xirin weli, halka kuwaana la filayo in lasoo taago Maxkamad.

Maxkamadda Gobolka Banaadir, ayaa sheegtay in maxkamadeynta waa Gariiray, ay billow wanaagsan u tahay dhallinyarada xiran iyo kuwa hadda kusoo jira waddadaasi.