Waa kuma Wiilka Siiriyaanka ee baraha bulshada sida aadka u qabsaday

Waa kuma Wiilka Siiriyaanka ee baraha bulshada sida aadka u qabsaday

Muqdisho (Raxanreeb) — Saacadihii lasoo dhaafay waxaa Baraha Bulshada mar qura qabsaday 20-kii saac ee la soo dhaafay muuqaal laga soo duubay Wiil aad u da’yar oo ka mid ah Qaxootiga ka soo qaxay dalka Suuriya, kaas oo ka mid ahaa kumanaan kun ee shalay isugu soo baxay garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho Stadium.

Wiilkaan aadka u da’da yar ayaa ku dhawaaqayay erayo ka mid ah Hees ay si wada jir u qaadeen fanaaninta kala ah; Sharma Boy iyo Keynan. Erayada uu ku dhawaaqayay Wiilkaan Suuriyaanka ah ayaa waxaa ka mid ahaa; “Soomaaliya, Soomaaliya Soomaali baa leh.”

Heesta ay ku luqeeyeen labadaan fanaan ayaa ku magacaaban, “Soomaaliya Soomaali Baa leh.” waxa ay ka mid tahay heesaha la qaado maalmaha xuriyadda, iyada oo soo baxday hal sano ka hor. Barta Youtube ee heestaan la soo galiyay ayaa laga daawaday in ka badan 6 Milyan oo jeer.

Wiilkaan ayaa lagu magacaabaa Cabdiraxmaan Yare waxa uu ka mid yahay dhallaanka ku sugan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, marar badan ayuu ka soo muuqday shaashadaha Warbaahinta, isaga oo wareejinaya catarro la’isku caarfiyo, waxa uu sheegay in quutulyoomka reerka uu halkaas ka soo dhacsho.

Cabdiraxmaan Yare ayaa ku hadla luqadda Soomaaliga, wareysi uu baxshay bisha labaad ee sanadkaan ayuu ku sheegay in Hooyadiis ay xanuunsan tahay, isbitaal ay ku jirto, kaddib markii uu dhulyaal ka dhigay Cudurka Cancer-ka oo ku dhacay.

Bulshada ka falcelisay muuqaalka wiilkaan ayaa Madaxda ugu sarreysa dalka ugu baaqday in Wiilkaan ay abaal marin siiyaan, iyaga oo sheegay in uu qeyb ka ahaa kulankii lagu weyneenayay munaasabadda 1-da Luuliyo oo ah maalinta ay Gobollada koonfureed ka xorreebeen gumeystihii Talyaaniga iyo israacii labada Gobol, oo markii dambe halkaas ay ka curatay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Kulankaan oo ka dhacay Tuulada Ciyaaraha dalka ee Muqdisho Stadium ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda, Xildhibaano ka tirsan BFS, Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah Bulshada Caasimadda.

Garoonka ayaa waxaa ka socotay Ciyaar lagu weyneenayay munaasabadda kowda Luuliyo, waxaana halkaas kuwada ciyaarayay kooxa hoostaga Dowladda Hoose iyo Ciidanka Xoogga dalka, iyada oo halkaas guusha ay ku raacday kooxda huwan magaca dowladda hoose ee Xamar.