Nairobi (Raxanreeb ) Maxkamad taal Nairobi ayaa xukun magdhow lacageed ah ku ridday Dawladda Federaalka Soomaaliya , kiiskan ayaa la xiriira heshiis qandaraas sannadkii 2016 , dhex maray Safaaradda Soomaaliya ee Kenya iyo shirkad dhismaha ka shaqeysa oo magaceeda lagu sheegay Kingsley Construction Limited si ay dayactir ugu sameyso safaaradda, sida uu baahiyay wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Kenya.
Maxkamadan ayaa DFS ku xukuntay inay bixiso lacag Boqol, lixdan iyo shankun, shan boqol kontan iyo kow kun oo dollar ($165,551). Shirkadan ayaa mar lagu celiyay dacwada markii loo sheegay inan dacwad laga gudbin karin safaaradaha, waxay u beddeleen markii dambe dacwad ka dhan ah Dawladda Federaalka.
Qandaraaskan ayaa waxa ku kacay $381,487, hase ahaatee, shirkadda iyo safaaradda ayaa isku-maan-dhaafay fulinta qandaraaska taas oo keentey in gabi ahaanba la baabi’iyo mashruuca.Horraanti sannadkan 2023-ka, safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ayaa lagu sameeyay dayactir waxaana ay tani ka dhigan tahay in shirkad kale la siiyey qandaraaska wallow wali an si rasmi ah loosoo bandhigin faahfaahinta, mana jirto wax jawaab ah oo safaaradda ama Dawladda ay ka bixisay dacwada shirkadan iyo xukunka ay maxkamadan ridday, xiriiri aan la sameeyayna ima suragelin.
Leave a Reply