Madaxweyne Xasan Sheekh oo weerar afka ah ku qaaday Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre

Madaxweyne Xasan Sheekh oo weerar afka ah ku qaaday Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre

Muqdisho( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo wareysi gaar ah siinayay Dawan Tv, ayaa weerar afka ah ku qaaday Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sheegay in deegaanka uu kasoo jeedo Ra’iisul wasaare Kheyre ay heysato kooxda Al-shabaab, waligiisna aan la arkin asiga oo taagan wadada oo dadkiisa ku boorinaya in ay iska dhigayaan Al-shabaab oo deegaankooda ka saraan.

Waxa uu xusay in la siyaasadeeyo marka ay dowladda sheegto howlgalka lagu qaadayo Al-shabaab, taasina ay tahay mid aad u qaldan.

“ Dadka Soomaaliyeed ha baaraan maalin in ay soo istageen, hal tuulo oo reerahooda degaan oo ka madax banana Shabaab ma jirto. Markaas ayuu ka hadlaya Oobasiib ayaa la jibiyay wado ayaa la furay” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dadka noocaas ah Soomaalida looga baahan yahay in dib u eegis ku sameyeen oo runta waxey tahay ka ogadaan.

Hadalka madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa ku soo aadaya xili weli ay jirto xiisada u dhaxeeysa xubnaha mucaaradka iyo dowladda oo aan la gaarin, taasi oo maalmo ka hor sababtay in gudaha magaalada ay ku dagaalamaan ciidamo taabacsan mucaaradka iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.