War kasoo kordhay qofkii toogashada ka geystay Mareykanka

War kasoo kordhay qofkii toogashada ka geystay Mareykanka

Nashville (Raxanreeb) — Qofkii toogashada geystay oo lix qof ku dilay iskuul ku yaalla magaalada Nashville ee gobolka Tennessee Isniintii, ayaa si sharci ah usoo iibsaday toddobo qori oo uu ku qariyay guriga, sida laga soo xigtay booliska.

Baarayaasha ayaa sheegay in waalidiinta qofka looga shakiyay weerarka aysan ogaan in uu hub heystay isla markaana aysan la socon in qoryaha lagu qariyay gurigooda.

Saddex carruur ah iyo saddex qof oo waaweyn ayaa lagu dilay weerarkaas.

Booliska waxay sheegeen in qofka looga shakiyay weerarka ay la tacaalayeen xaaladdiisa caafimaad maadama uu soo wajahay khalkhal maskaxeed.

Gobolka Tennessee, kama jiro sharci dhigaya in booliska inay soo qabtaan hubka ay heystaan dadka looga shakiyay rabshadaha.

Ardeyda lagu dilay weerarka ayaa waxay kala ahaayeen Evelyn Dieckhaus, Hallie Scruggs iyo William Kinney.

Saddex qof oo kale oo ka tirsanaa shaqaalaha dugsiga gaarka loo leeyahay ee Christian ayaa ku dhintay weerarka waxay kala ahaayeen, Cynthia Peak oo 61 jir aheyd, Katherine Koonce, 60 jir aheyd iyo Mike Hill, 61 jir ah.