Weeraro kala duwan oo dhacay  & korar ku  yimid dagaalada ka socda dalka.

Weeraro kala duwan oo dhacay  & korar ku  yimid dagaalada ka socda dalka.

Muqdisho (Raxanreeb )  24-kii saac ee la soo dhaafay  waxaa dalka ka dhacay weeraro kala duwan oo ay soo qaadeen  kooxda Al- Shabaab kuwaas oo khasaare kala duwan gaystay.

Weeraradan oo ka dhacay meelo kala – duwan ayaa la sheegay in ciidianka  Dowladda iyo kooxda Al- Shabaab  fooda ay is dareen hub culusna ay isku adeegsadeen.

Goobaha dagaalada ay ka dhaceen ayaa kala  ah deegaanada koonfurta iyo  bartamaha dalka  kuwaas oo  gaystay khasaare kala duwan oo labada dhinac ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaalada ka dhacay meelo ka mid ah Soomaaliya ay ku qabsadeen deegaano badan oo ay maamulayeen kooxda Al- Shabaab .

Waxa sidoo kale jira khasaare soo gaaray dad rayid ah oo ku sugnaa deegaanada dagaalada ay ka dhaceen , sida ay sheegeen dad halkaas ku sugan oo nala hadlay.

In ka badan xogta la hayo 15 qof oo dhimasha ah , iyo dhaawaca 40 – meeyo oo u badan Al- Shabaab iyo ciidanka Dowladda.

Dagaalada dalka dhacaya ayaa  kordhay tan iyo markii la guda galay bisha barakaysan ee Ramadaan , oo waxaa muuqanaya in  meelo badan uu ka socdo dagaal toos ah iyo kuwo ku- dhufoo ka dhaqaaq ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.