Ururka Warbaahinta SSC-Khaatumo – MAS waxay walaac ka muujineyaan, isla markaana cambaareynayaan xadhiga iyo gacan qaadka maamulka SSC-Khaatumo ugaysanayo suxufiyiinta ku nool magaalada Laascaanood, kuwaasi oo marwalba kasoo warama xaalada guud ee degaanada SSCK iyo soo gudbinta xogaha siyaasiga ah ee bulshada ka daahsoon.
Dhacdooyinka beegsiga suxufiyiinta ayaa ah mid soo badanaysa bilihii lasoo dhaafay, iyadoona wariyeyaasha qaar kasoo gaadheen dhaawacyo kala duwan, kadib gacan qaad hubaysan oo ay ugaysteen ciidamada Booliska SSCK.
Sadex wariye oo kala ah. Wariye Yuusuf Saxardid, Weriye Dheeman Jaamac Xaashi iyo Cabdifitaax Maxamed Qaalib oo sawir qaade ah ayay ciidanka Booliska ay ku xidheen sifo sharci daro ah oo aan waafaqsanayn xeerarka uyaala SSCK kana hor imanaya Xaquuqda warbaahinta ee caalamiga ah.
Ururka warbaahinta SSC-Khaatumo oo ka duulaya cabudhinta iyo tacadiga ka dhanka warbaahinta, waxay markale canbaaraynayaan falalkaas soo noqnoqday ee lagu beegsanayo Warbaahinta iyo ilaha ay wararka ka helaan Bulshadu.
Ugu danbayn Ururka Warbaahinta SSCK wuxuu ugu baaqayaa lamaaha kala duwan ee maamulka inay xoriyadooda usoo celiyaan wariyeyaashaan xidhan sidoo kalena sifo sharci ah loosoo maro xadhiga Suxufiinta.
Mukhtaar Cabdi Jaamac
G. Ururka Warbaahinta SSCK.
Leave a Reply