Baydhabo ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo kooxa Al-shabaab ay maanta ku qaaday saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed, ay ku lee yihiin deegaanka Barujeed ee duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Dagaal ayaa markii hore ku biloowday qaraxyo kaddib waxaa xigay dagaal toos ah oo labada dhinac halkaasi ku dhex maray.
Ilo wareedyo, ayaa sheegay in dagaalka uu socday dhowr saac labada dhinaca ay isku adeegsadeen hub culus.
Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, mana jirto war rasmi ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed, oo ay uga hadlayaan weerarka maanta kooxda Al-shabaab ay ku soo qaaday saldhigga deegaanka Barujeed ee duleedka magaalada Baydhabo.
Ma ahan markii ugu horeeysay oo kooxda Al-shabaab ay dagaal ku qadaan saldhigga ciidanka ee deegaanka Barujeed, waxaana xusid mudan in deegaankan uu yahay mid si aad ah looga ilaaliyo ammaanka magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed.

Leave a Reply