Wararkii ugu dambeeyey dagaladii xalay ilaa iyo saakay ka socday Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa laga helay dagaal in ka badan 17 saac ka socday xaafado katirsan degmooyinka Howlwadaag iyo Cabdicasiis ee gobolka Banaadir oo ay deggan yihiin siyaasiyiin mucaaradka qaarkood.

Ciidanka dowladda ayaa weerar dhowr jiho ah ku qaaday xaafada Barmuudo ee degmada Howlwadaag, oo ah hoyga uu deggan yahay Xildhibaan Jacfar kuna sugnaa Ra’iisul wasaare hore Kheyre, siyaasiyiin iyo odayaal dhaqan. Dagaalka oo qaatay dhowr iyo toban saac ayaa markii dambe lagu kala adkaayay, waxaana la tilmaamay in ciidamadii mucaaradka ay isaga baxeen guriga Xildhibaan Jacfar, waxaana ay tageen xaafada Siigaale ee degmada Hodan.

Ilaa iyo hadda ma jiro faah faahin rasmi ah oo laga halayo khasaaraha ka dhashay dagaalka, ee soo kala gaaray dhinacyada dagaalamayay.

Geesta kale ciidanka dowladda ayaa weerar ku qaaday hoyga uu xaafada Mirinaayo ka deggan yahay madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, waxaana la tilmaamay in ciidanka mucaaradka ay jibiyeen ciidanka dowladda, isla markaana ay ka gubeen gaari beebe ah.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax waan waan ah oo socda, iyada oo dowladda federaalka ay mucaaradka ku eedeysay in aysan dooneynin nabada caasimada, isla markaana gacan bir ah lagu qaban doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published.