Madaxweyne Xasan Sheekh oo farriin u diray guddoomiyaha wakiilada KG iyo ku-xigeenadiisa ee lagu doortay Baydhabo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo farriin u diray guddoomiyaha wakiilada KG iyo ku-xigeenadiisa ee lagu doortay Baydhabo

Baydhabo ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, Ku-xigeenkiisa Koowaad, Aadan Xasan Maxamed (Usaama), iyo Ku-xigeenkiisa Labaad Marwo Shamso Maxamed Yarow, kuwaasi oo maanta lagu doortay magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mas’uuliyiinta cusub kula dardaarmay in ay si hufan oo masuuliyad leh u gutaan waajibaadka loo igmaday, isla markaana ay door muuqda ka qaataan xoojinta dowladnimada, horumarinta nidaamka dimuqraadiyadda iyo u adeegidda shacabka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyey hannaankii nabdoonaa ee ay ku qabsoontay doorashadu, isaga oo ku ammaanay xildhibaannada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed gudashada waajibaadkooda iyo adkaynta hay’adaha dowladeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.