Wararkii ugu dambeeyey shirka mucaaradka ee ka furmaya magaalada Kismaayo

Wararkii ugu dambeeyey shirka mucaaradka ee ka furmaya magaalada Kismaayo

Kismaayo (Raxanreeb Online) Waxaa lagu wadaa in Magaalada Kismaayo uu ka qabsoomo shir ay isugu imaanayaa madaxda mucaaradka iyo kuwa Maamullada Jubalanad iyo Puntland.

Shirkan oo looga hadli doono xaalada cakiran ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, ayaa la qorsheeyay in uu qabsoomo inta u dhaxeysa 17-ka ilaa 20-ka bishan.

Waxaa shirkan ka soo qeyb gali doona sida la sheegay madaxda madasha samatixinta iyo madaxweyneyaasha Maamullada Jubaland iyo Puntland.

Wararkii ugu dambeeyay, ayaa sheegaya in maanta wufuud kala duwan oo mucraadka kamid ah ay gareen magaalada Kismaayo, kuwaasi oo qeyb ka ah shirka looga hadlayo xaaladaha cakiran ee

Shirkan ayaa imaanaya iyadoo muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka harsan yahay wax ka yar 5 billood, dalkana uu wajahayo hubanti la’aan maadaama aan weli wax heshiis ah laga gaarin nuuuca doorasha ee dalka laga qaban doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published.