Baardheere (Raxanreeb Online) Wararka laga helayo degmada Baardheere ee gobolka Gedo, ayaa sheegaya in ku dhawaad 10 askari ay ku dhinteen, halka dhowr kalena ay ku dhaawacmeen weerar maanta ka dhacay degmadaasi.
Weerarka ayaa la sheegay inuu ku bilowday madaafiic ah, waxaana lagu beegsaday xero lagu tababarayay laguna qorayay ciidamo dowladda federaal ah ee cusub.
Kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay mas’uul ka ahayd weerarka, iyadoo madaafiicda lagu garaacay xerada ay sababtay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee soo gaaray ciidamada.
Geesta kale taliska ciidanka xoogga dalka, kama uusan hadlin weerarka sababay dhimashada iyo dhaawac ee maanta maleeshiyaadka Al-shabaab ku qadeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.
Sikastaba, weerarkan ayaa imaanaya iyada oo maalmihii lasoo dhaafay Baardheere uu ku sugnaa taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga Jeneraal Sahal, halkaasna u joogay sidii loo xoojin lahaa howlgallada ka dhan Al-shabaab ee ka socda gobolka Gedo.

Leave a Reply