Muqdisho (Raxanreeb Online) Wasiir hore Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti, ayaa walaac xooggan ka muujiyey dagaallada iyo iska horimaadyada ka socda deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya Koonfur Galbeed.
Fargeeti ayaa sheegay in xasillooni waarta aan lagu gaari karin dagaal iyo iska horimaad, balse loo baahan yahay in dhinacyada ay khuseyso ay u istaagaan sidii loo heli lahaa xal siyaasadeed oo ku dhisan wada-hadal, isu-tanaasul iyo dib-u-heshiisiin.
“Waxaan si weyn uga walaacsanahay dagaallada iyo iska horimaadyada ka socda KGS. Xasillooni waarta laguma gaari karo dagaal, balse waxay u baahan tahay wada-hadal, isu-tanaasul iyo dib-u-heshiisiin,” ayuu yiri Fargeeti.
Wasiirka hore ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya xaaladda Koonfur Galbeed inay mudnaanta siiyaan nabadda iyo danta shacabka, isaga oo xusay in xal waara lagu gaari karo oo keliya wada-xaajood iyo is-faham siyaasadeed.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Koonfur Galbeed ay walaac ka abuurtay shacabka iyo dhinacyada siyaasadda, iyadoo baaqyo kala duwan loo jeedinayo dhinacyada ay khuseyso inay ka fogaadaan colaadda, isla markaana ay miiska wada-hadalka isugu yimaadaan.

Leave a Reply