Warbixin ku saabsan xukunka dilka ah ee lagu riday ‘Dr. Fanax’

Warbixin ku saabsan xukunka dilka ah ee lagu riday ‘Dr. Fanax’

Muqdisho (Raxanreeb) — Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa dil toogasho ah ku xukuntay nin ku shaqeysan jiray dhkhtartnimo iyo sarkaal sare oo ciidan ah, oo lagu helay inuu ka mid yahay Al-Shabaab kana soo shaqeeyay qaraxyo ka dhacay Muqdisho.

Maxamed Cabdinuur Jiirow (Dr. Fanax) ayaa lagu soo eedeeyay inuu katirsanaa Ururka Al-Shabaab, isla markaana uu magaalada Muqdisho uga soo shaqeeyay inuu yahay dhakhtarka neerfaha ah, islamarkaana wuxuu mararka qaar xiran jiray darajada sarkaal oo ah gaashaanle, isagoo sidoo kalena heystay aqoonsiga Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ninkan ayaa lagu soo eedeeyay inuu Al-Shabaab ka tirsanaa illaa sannadkii 2009-kii isagoona fuliyey kana qeyb qaatay qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho, sida qaraxii Isgoyska Jubba 2019-kii sidoo kale 2021-kii weerar ka dhacay deegaanka Garasbaalley, Qaraxii ergadii Doorashada Gobollada Waqooyi iyo qaraxyo kale.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa lagu soo bandhigay shaqooyinka Maxamed Cabdinuur (Jiirow) ayaa muuqaal ay baahisay Maxkamadda ciidamada ku qirtay inuu Al-Shabaab ka mid ahaa, isagoo lagu xukumay dil toogasho ah.

Muuqaal laga duubay ayuu ku sheegayaa inuu wajiyadaas kala duwan u isticmaali jiray inuu ku qariyo kamid ahaanshihiisa Al-Shabaab iyo falalka uu geysto sidoo kalena in marnaba laga shakin.

Maxkamadda ayuu ka qirtay inuu ku lug lahaa weeraro ay dad badani noloshooda galaaftay kuwaas oo qaarkood aan waxba galabsan.

Dhakhtar Fanax, ayaa Waxa laga soo qabtay magaalada Baladweyne gobolka Hiiraan sannadkii hore kaddib doorashadii madaxweynaha, ka gadaal markii uu iska dhigay gaashaanle Millitari ah.