WARBIXIN : Xiriir hooseeyay oo la soo noolaynayo & Waxa ka dhalan kara !!

WARBIXIN : Xiriir hooseeyay oo la soo noolaynayo & Waxa ka dhalan kara !!

Nairobi (Raxanreeb ) Imaaraadka carabta ayaa wada dadaalo uu ku doonayo in la iskugu soo dhaweeyo Ra’iisulwasaaraha  Itoobiya Aby Ahmed iyo Madaxwaynaha  Jubbaland Axmed Madoobe.

Xiriirka  Madoobe iyo Aby ayaa hoos u dhacay  inta uu xukunka hayay , Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  oo xilka ka tahay markii loogu awood roonaday doorashadii ka dhacday dalka.

Talaabadan la isugu keenayo Madaxwaynaha Jubbland Axmed Madoobe iyo Aby Ahmed ayaa ka dhalatay markii Axmed Madoobe Imraadka Carabta u ogolaaday in ciidamo ay keensan karaan Jubbaland.

Xog aan helnay ayaa muujinaya in Madaxwaynaha Jubbaland uu dalbaday in  dib loo soo celiyo xiriirka xumaaday ee isaga iyo Aby Ahmed , oo xirmay markii xafiiska uu la wareegay Madaxwaynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dowladii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa diiday in lala macaamilo maamul goboleedyada taas oo dhaqan – gashay  inta uu xilka joogay sidoo kale waxaa aad u xumaa xiriirka uu la lahaa Imaaraadka carabta.

Sida macluumaadka la helayo ay tilmaamayaan, Axmed Madoobe oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa isu diyaarinaya safar maalmaha soo socdo uu ku tagayo magaalada Adis-Ababa.

Madaxwaynaha  Jubbaland ayaa la leeyahay waxa uu isu diyaarinaya dagaal siyaasadeed oo uu la galo Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud , taas oo keentay inuu raadiyo xulufo siyaasadeed gaar ahaan wadamada deriska.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale waxa uu magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan uu kula qaaday Madaxwaynaha Dalkaa William Ruto oo ay – wada hadleen sii loo sii ambaqaadi lahaa taageerada Kenya uu ka heli jiray.

Lama mahdin mana ah mid la mahdin doono talaabooyinka dalalka  deriska ay ku fara galinayaan  Dowladda Federaalka Soomaaliya , albaabkaas oo hore loo soo xiray.

Leave a Reply

Your email address will not be published.