Xabad joojin markale lagaga dhawaaqay Dalka Sudan

Xabad joojin markale lagaga dhawaaqay Dalka Sudan

Khartoum (Raxanreeb ) dhinacyada isku haya awoodda dalka Sudan ayaa ku dhawaaqay xabadjoojin , kadib laba tobodaab oo ay dhacayeen dagaallo xooggan oo u dhaxeeyay ciidanka Milatariga dalkaasi iyo xoogagga Damcu Sariic

Dhinacyada ayaa waxaa ay ku heshiiyeen xabadjoojin 72 saacadood ah sidalaga soo xigtay xoghayaha arrimaha dibadda dalka Mareykanka  Antony Blinken, taas oo dhaqan gashay habeenkii xalay.

Waa  xabbad-joojintii saddexaad ee lagu dhawaaqo tan iyo markii ay dagaallada ay  ka qarxeen bishan balse midna ma aysan dhaqan gelin.

Mr Blinken ayaa sheegay in heshiis ay wada gaareen ciidamada milllitariga ah iyo ciidamada gargaarka degdega ah ee RSF ka dib wadahadallo socday muddo 48 saacadood ah.

Tan iyo markii ay rabshaduhu billowdeen, dadka ku nool caasimadda uu dagaalku ka qarxay ee Khartoum ayaa loo sheegay inay guryaha ku jiraan, iyadoo ay gabaabsi ka noqdeen saadka cunnada iyo biyaha.

Duqeymaha ayaa lala beegsaday kaabayaasha muhiimka ah, sida dhuumaha biyaha, taasoo la micno ah in dadka qaar lagu qasbay inay ka cabbaan wabiga Nile Waxaa jiri doona rajo ah in xabbad-joojinta ay u oggolaato dadka rayidka ah inay ka baxaan magaalada

Leave a Reply

Your email address will not be published.