Yaa  hortagaan in KGS uu ka bilowdo howlgalka ka dhanka ah Al- Shabaab ?

Baydhabo ( Raxanreeb ) deegaannada koobfur Galbeed inta badan , waxaa go’doomiyay kooxda Al- Shabaab halkaas oo ay maamulayeen.

Warbaahinta ayaa dhawr jeer waxaa loo soo – bandhigay ciidamo la sheegay in ay ka qayb qaadanayaan howlgal ka dhan ah Shabaabka ku sugan inta badan gobolada Baay iyo Bakool.

In la soo bandhigo ciidamo fara badan in muddo ah ayay socotay hase ahaatee waxaa jira su’ aalo badan oo la is waydiinayo oo la xiriirta goorta la bilaabayo howlgalada deegaanada uu ka taliyo maamulka Koonfur Galbeed.

Falanqeeyayaasha amniga ayaa qaba in xilligan oo koonfur Galbeed ay ka taagan tahay xiisad doorasho suurtagal ka dhigi karin in ay bilowdaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab.

Waxa ay ka dhigaysaa maamulka Koonfur Galbeed inuu isku furi doono laba jiho oo dagaal oo kala ah dagaalka doorashada oo muranka wali uu taagan yahay in dagaalka kooxda Al- Shabaab oo go’doomiyay degmooyinka iyo deegaanada maamulkaas .

Mid ka mid ah labada furan ee dagaal oo la xira ayaa keeni karta ayay leeyihiin falanqeeyayaasha in lagu guulaysto in kooxda Al- shabaab lagaga adkaato koonfud Galbeed ee Sooomaaliya.

Deegaanada koonfur Galbeed ayaa ka mid ah deegaanada ay aadka ugu xoogan yihiin kooxda Al- Shabaab halkaas oo hadii laga saaro ka dhigaysa guul badan oo u soo hoyatay maamulka Cabdicasiis Laftagreen hase ahaatee xiligan ay ku adag tahay.

Madaxwaynaha Koonfur Galbeed ayaa meelo badan oo fagaarayaasha siyaasada ka sheegay inuu ka adkaan doono kooxda Al- Shabaab hase ahaatee waxa haysta Cabdicasiis culays kale oo ah inuu xal u helo arrimaha doorashada deegaanada maamulkaas.

W.D Hanad Ali Guled.

Leave a Reply

Your email address will not be published.