DFS oo soo dhawaysay dilka Bilaal-al Sudani oo aha hoggaamiye ka tirsanaa ISIS

Washington ( Raxanreeb ) Xuseen Sheekh Cali, La-taliyaha Amniga Qaranka ee dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in talaabo wanaagsan ay tahay in la dilo hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Daacis.

La taliyaha waxa uu sheegay Bilaal-al Sudani inuu ka mid ahaa hoggoomiyaasha talada Daacis wax ku leh sidaas darteeda ay ahayd mid dhabar jab ku ah kooxda Daacish.

Intaas waxa uu warkiisa ku daray in kooxda Daacish tabar badan aysan ku lahayn gudaha Soomaaliya balse markasta muhiim ay tahay in la soo afjaro khataraha jira ee wiiqi kara Dowladnimada Soomaaliya.

Hadalkan ayuu ku sheegay Husein Macallin la taliyaha Madaxwaynaha dhanka amniga wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ah ee VOA.

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay hawlgalkan la socodsiisay dawladda Soomaaliya, sidoo kalena la taliyaha amniga qaranka ee Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali oo ku sugan dalkan Maraykanka ayaa soo dhoweeyey hawlgalkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.