Dabaylo ka dhacaya magaalada Muqdisho & saameynta ka dhalatay..!!!

Dabaylo ka dhacaya magaalada Muqdisho & saameynta ka dhalatay..!!!

Muqdisho ( Raxanreeb ) Dabayl badan ayaa ka dhacaysa Xamar, jiingaduhu waxay u ruxmayaan sidii caleenti waana jiingado mirir ah oo haddi kugu dhacaan, dhaawac halis ku gaari karo.

Marka aad ku lugaynayso wadddooyinka qaar waxa aad u adag in wanaagsan ugu lugayso sabab la xiriirta dabaylaha xooggan ee maalmahan ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Mararka qaar dabaysha dhacaysa ayaa suurtagal ka dhigaya in indhaha ay kaga buuxsamaan ciid fara badan isla markaana ay kugu adkaato in aad ku socoto waddooyinka.

Dabaylaha sidan oo kale ah ayay dhaqaatiirtu ay sheegayaan in ay ka dhalan karaan xanuuno , inkastoo ilaa iyo hadda aan la soo calamadayn dad la xanuunsaday oo isbitaalada la jiifo oo ay ogaatay RBC.

Si kastaba sanad kasta xilligan oo kale ayay magaalada Muqdisho ka dhacaan dabaylo xoogan oo saamayn ku yeesha dadka ku nool  caasimadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.