Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha SSC-Khaatumo ayaa shaacisay in la joojiyay ciyaartii maanta dhici lahayd ee tartanka Koobka Degmooyinka SSC-Khaatumo. Go’aankan ayaa ka dhashay sababo la xiriira colaadda ka taagan Ceerigaabo iyo dareenka bulshada oo arrinkaasi si weyn uga falcelisay.
Baajinta ciyaarta maanta waxay kusoo aaday iyadoo xalay fiidkii hore uu Xidhiidhka Kubadda Cagta ee SSC-Khaatumo shaaciyay kala sareynta kooxaha u gudbay wareega labaad ee tartanka.
Leave a Reply