Muqdisho (Raxanreeb) — Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa soo saartay qoraal ay ku raalli galineyso dadkii maanta ku xayirmay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo dadka shacabka maanta saacado ku xayirnaayeen garoonkaasi, illaa uu ka tagay Ra’isulwasaare Xamsa Cabdi Barre.
Wasaaradda ayaa warsaxaafadeedka ku sheegtay heshiis ay galeen 2022 Wasaaradda iyo shirkadaha diyaaradaha heshiiskaas oo ahaa sida ay sheegtay Wasaaradda mid lagu saxayo khaladaadka dhaca, kaas oo halkaasi kasoo billowday lacagaha saaidka ee Wasaaraddu la timid.
Qoraalka ayaa lagu sheegay khaladaadka ka dhaca maalin kasta shirkadaha diyaaradaha ee dadweynaha qaada kuwaas oo u safra gobollada dalka halka ay Wasaaradduna raadisay sidii loo saxi lahaa khaladaadkaasi, sida lagu yiri qoraalka.
“Si loo saxo qaladaadka dhaca wasaaraddu waxay sameysay system casri ah, kaas oo shirkadaha diyaaradaha farayaya”:
1- In System-ka ay ku soo gudbiyaan nooca diyaaradaha ay isticmaalayaan, si loo xaqiijiyo in shirkaddu ay heysato diyaarad badqabta oo rakaabka ay ku qaadi karto, sidoo kalena loo xadido tirada tikidhada ay diyaarad kasta qaadi karto.
2- Inay System-ka ku soo gudbiyaan xogta rakaabka ay qaadayaan, si hey’adaha amnigu u hubiyaan,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda, kasoo baxay.
Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay shacabka Soomaaliyeed, in xayiraaddii maanta ay ka dhalatay amar diido ka timid shirkadaha diyaaradaha kuwaas oo u hoggaasami waayay awaamiirtii Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.
Wasaaradda, ayaa ku eedeysay shirkadaha diyaaradaha in ay diideen in la saxo khaladaadkooda uga dhacaya maalinlaha, maadaama ay diideen system-ka cusub ee Wasaaraddu ay keentay.
“Wasaaraddu waxay shacabka Soomaaliyeed u xaqiijineysaa inay ka hortegi doonto wax kasta oo dib u dhac ku keeni kara safaradooda, iyadoo wasaaraddu ay la xisaabtami doonto shirkadihii iyo shakhsiyaadkii sababta u ahaa dib u dhaca,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka Duulista Hawada.
Shirkadaha diyaaradaha ayaa ku andacoonaya in lacagtani ay xad dhaaf tahay meelna kasoo galin, dadweynahana ay dhib ku qabaan, iyadoo Wasaaraddu, kusoo rogtay qof walba lacag dhan $9 taas oo dadka shacabka walaac xooggan ka muujiyeen, walow wararku qaar sheegayaan in qofka xogtiisa oo dhammeeystiran laga rabo iyo lacagtaasi.
