Sidee ayuu u dhacay xukunka ninkii gubay Xaaskiisa

Sidee ayuu u dhacay xukunka ninkii gubay Xaaskiisa

Muqdisho (Raxanreeb) — Maxkamadda Gobolka Banaadir, ayaa goordhoweyd soo dhammeeysay kiiska ka dhanka ah, Sayid Cali Macallin Daa’uud, oo ku eedeysnaa inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis, oo uur u lahayd, dilaaga waxayna ku xukuntay dil toogasho ah, inkastoo maxkamaddu, racfaan u furtay.

Kiiskan oo aad loo wada sugayay ayaa maxkamadda labo fadhi oo dood adag ka yeelatay iyadoo la horgeeyay marqaatiyaal badan sida carruurta Luul, iyo qaar kaloo uu ka mid yahay Shamuureey, kiiskan oo ugu danbeen maanta lasoo gabagabeeyay.

Maxkamadda ayaa sidoo kale dilaa Sayid Cali Macallin, su’aalo ku weeydiisay kuwaas oo uu ku marmarsiyooday in uu maseersanaa waxna ka ogeeyn, dilkaasi.

”Xaaskeyga waan jeclahay, waxaan na dhexmaray muran, waxaa ay igu tiri nin kale ayaan guursanaya ee iska keey fur anna waan xanaaqay nafto ayaan soo gatay, waana ku gubay qol alaabta taalay ayada ayaana gashay dabka lakiin in aan badbaadiyo ayaan isku dayay” ayuu yiri Sayid Cali, oo horey ka sheegay maxkamadda Gobolka Banaadir.

“Maxkamadda gobolka Banaadir waxay Sayid Cali ku xukuntay dil toogasho ah oo ah qisaastii marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed,” ayuu yiri Saalax Cali Dabaan.

Luul Cabdicasiis Maxamed, ayaa weli ku jirta mid ka mid ah, Faranjeerrada Isbitaallada Muqdisho, muddo ka badan bil, iyadoo aan weli la aasin, inkastoo aabbaha dhalay uu ku andacoonayo in gabadhiisa lala aasayo M saygaydii gubay ee Sayid Cali.

Si kastaba hasayeeshee, kiiskan ayaa ahaa mid Ummadda Soomaaliyeed, ay wada sugayeen, inkastoo la amisanyahay in xukunkan uu soo dadajiyeen shacabka Soomaaliyeed, oo aad u sugayay walow mucjiso iyo amakaam ku noqday guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, si caddaaladda loo marsiinayo Sayid Cali Macallin, oo muddo baxsad ka ahaa laamaha garsoorka dalka.