Wasiirka Maaliyadda oo ka qeyb galay shir looga hadlayay horumarinta mashaaricda

Algeria ( Raxanreeb Online) Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa dalka Algeria ugu  qeyb galay furitaanka Shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB) oo Sanadkan lagu qabanayo Magaalada Algiers ee caasimadda Dalka Algeria.

Shirkaan oo socon doona muddo 4 maalmood ah ayaa waxaa maanta si rasmi ah u furay Ra’isul Wasaaraha Dalka Algeria Mudane Nadir Larbaoui, iyada oo shirka ay ka soo qeyb galeen dhammaan Wasiirada iyo Safiirada malatalayay Dalalka Islaamka iyo kuwa kale ee xubnaha ka ah Bangiga horumarinta Islaamka.

Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB) waxa uu ka mid yahay saaxiibada sida gaarka ah u taageera Dowladda Soomaaliya, sidoo kale gabagabada shirarka Bangiga ayaa la filayaa in ay ka soo baxdo natiijo muhiim ah ah dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo maalgalinta mashaariicda horumarineed ee Dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.