Qarax khasaare sababay oo ka dhacay dalka Pakistan

Pakistan ( Raxanreeb Online) Mas’uuliyiinta dalka Pakistan ayaa sheegay in shan qof ay ku dhinteen tobonaan kalena ay ku dhaawacmeen qarax lala eegtay bas arday siday.

Qaraxa ayaa ka dhacay gobolka Balochistan, halkaas oo uu baska ku sugnaa.

Booliska ayaa sheegay in ilaa afartan arday ay saarnaayeen gaariga markii uu qaraxu dhacay subaxnimadii Arbacada manta ah. Ma jirto cid ilaa hadda sheegatay qaraxaas.

Gobolka Balochistan waxaa ka jira dhaqdhaqaaq gooni u goosad ah oo si joogto ah u bartilmaameedsada ciidamada ammaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.