Wasiiro katirsan xukuumadda oo laga mamnuucay ka qeyb galka fadhiyada Baarlamaanka

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa waxa uu xildhibaano katirsan golaha shacabka ahna xubno katirsan golaha wasiirada waxa uu ka mamnuucay fadhiyada golaha shacabka.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha, ayaa lagu sheegay in sababo amni darteed mas’uuliyiinta, waxaana guddiga xeer-hoosaadka golaha shacabka uu ka codsaday in ay ka soo talo bixiyaan tallaabooyinka ku haboon  si waafaqsan xeer hoosaadka golaha shacabka.

Wasiirada laga mamnuucay kulamada, ayaa shalay la arkayay iyaga oo u gacan qaadaya xildhibaano mucaarad ah.

Xubnaha wasiirada ayaa kala ah.

1) Xil. Maxamed Cabdulqaadir  Xaaji ( Jeego) oo ah wasiir ku-xigeenka wasaaradda  Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya

2) Xil. Isaaq Maxamed Mursal  wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya

3) Xil. Cumar Cali Cabdi wasiir dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya

4) Xil. Maxamed Cusmaan Cumar  wasiir dowlaha wasaaradda Qoyska

Geesta kale guddoomiyaha ayaa 20 xildhibaan oo kale oo mucaarad ah ka mamnuucay fadhiyada Baarlamaanka golaha shacabka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.