Kulankii golaha shacabka oo maanta baaqday

Kulankii golaha shacabka oo maanta baaqday

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Waxaa maanta baaqday kulankii golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Kaasi oo todobaadkii hore ku soo dhammaaday buuq iyo fodwo.

Farriin loo diray xalay xildhibaanada ayaa lagu wargeliyay  in uu baaqday kulanka, balse maalinta Isniinta ah uu furmi  doono.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa kulamadooda yeesha maalmaha Sabtiga, Isniinta iyo Arbacada.

Sidoo kale waxaa taagan xiisadii ka dhalatay habkii golaha looga saaray Xildhibaan Cabdullaahi Abiib, iyada oo ay xusid mudan tahay in markii ay buuq u dhashay tallaabadaasi uu guddoomiyaha arrintaasi guddi.

Geesta kale gudoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe, ayaa hadda dalka ka maqan isaga oo shirka Ururka Baarlamaanada Carabta uga  qeyb galaya dalka Aljeeriya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.