Weerar Al-Shabaab lagu qaaday oo ka dhacay Galgaduud

Weerar Al-Shabaab lagu qaaday oo ka dhacay Galgaduud

Muqdisho (Raxanreeb) — Ciidamada Xoogga Dalka, yaa xalay weerar culus ku qaaday kooxda Al-Shabaab ee ku sugan tuulada Xuseen Cagey oo hoostagta magaalada Masagawaa, ee gobolka Galgaduud.

Ciidamada Xoogga, oo ka war helay in dagaalyahano ka tirsan kooxda ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan halkaasi ayaa kala hortagay dagaal toos ah.

Saraakiil ka tirsan millatariga oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay waddada u galeen xubnaha Al-Shabaab, xilli ay qorsheynayeen inay weerar soo qaadaan, kadibna ay halkaas ku gaarsiiyeen khasaare lixaad leh oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale sarkaalkan ayaa sheegay in dhinacooda aysan jirin wax khasaare ah, oo soo gaaray islamarkaana ay si rasmi ah, u fuliyeen weerarkan.

Weerarkaasi ayaa ayaa mid xooggan oo dagaal toos ahna, dhexmaray waxaana looga adkaaday Shabaabka rabay in ay weerar ka geystaan deegaannadaasi, kuwaas oo waddada, kasoo baxay dhinaca deegaanka Xuseen Cagey oo dhaca bariga gobolka Galgaduud.

Xaaladda deegaannadaasi ayaa hadda ah, mid aad u kacsan, iyadoo la dareemayo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda.

Dhanka kale majiro wax hadal ah, oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Galgaduud ayaa waxaa haatan isku haya labada dhinac, dhowaan ayay ahayd todobaadkii hore markii ay Al-Shabaab weerareen degmada Ceeldheer, balse laga hortegay weerarkaasi oo sababay khasaare isugu jira labada dhinac.

Weerarkaasi ayaa labada dhinac ku sheegteen guulo waa weeyn, iyadoo uu jiro khasaare kala duwan ee labada dhinac ah.

Galgaduud, ayaa waxaa weli ka socda howlgallada ka dhanka ah, Al-Shabaab, kuwaas oo weli ay ku danbeeyaan deegaannada gobolkaasi oo marar badan ay weerar ka geystaan.