Wiil 7 sanno jir ah oo Muqdisho kufsi loogu geeystay

Wiil 7 sanno jir ah oo Muqdisho kufsi loogu geeystay

Muqdisho (Raxanreeb) — Warar dheeraad ah, ayaa kasoo baxaya dhacdo xun oo argagax badan oo lagula kacay kufsi wiil yar 7 sanno jir ah, taasoo ka dhacay degmada Xamarweyne ee gobolka banaadir.

Wiilkan yar ee 7 sanno jirka ah, ayaa dhiganayay mid ka mid ah, Iskuullada degmada Xamarweyne ku yaalla halkaas oo lagu faraxumeeyay sida ay waalidiintiisa u sheegeen telefishinka Dalsan.

Qoyska ayaa sheegay in dhaqankan gurracan, uu geeystay waardiyaha Iskuulka kaas ii isaga baxsaday falka kaddib goobtaasi.

“Wiilkeyga ayaa musqusha ku jiray, wuuna la galay waardiyaha, kadibna falal xumadaan ayuu ku sameeyay xittaa waa dilay” ayay tiri hooyada dhashay wiilka.

Hooyadani, ayaa intaas ku dartay in kiiska ay u gudbiyeen saldhigga degmada Xamarweyne, islamarkaasna la xiray maamulihii Iskuulka si loo soo qabto eedeysanaha.

“Annaga marka ay dhacdadaas dhacday iskuulka ayaan aadnay, ninkii waa nagala qariyay, maamulahaa lasoo waday saldhigga ayaa la geeyay hadda dacwaddii ayaa socota” ayay raacisay hooyada wiilka dhibbanaha dhashay.

Ugu danbeeyntii hooyadan ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, ka codsatay inay u hesho caddaalad wiilkeeda oo dhibbane u ah, falkaasi foosha xun.

“Waxaan codsanayaa in meel la’iis saaro wiilkan cabashadiisa oo xuquuq islaami ah aan ku socono oo ninkaan meel la ii saaro” ayay tiri hooyada.

Dhacdadan foosha xun ayaa uur ku taallo ku noqotay dadka deegaanka iyo qoyskaba iyadoo la hadal haayo Baraha Bulshada, ay ku xiriirto.

Falalkan mahan kuwoo ku cusub Muqdisho sidoo kale horey ayay u dhacday askeri ka yirsan ciidamada dowladda oo hubeysan in saqdhexe guri uu u dhacay ku kufsaday wiil 10 sanno jir ahaa.