Muqdisho (Raxanreeb) — Xanuunka welwelka oo afka qalaad lagu dhaho “depression” waa mid caan ka ah dunida oo dad badan ay la dhibaatoodaan. Dadka uu faraha ba’an ku hayo waxaa ka mid ah Soomaali badan oo isugu jira kuwo qirbo jog ah iyo qaar dalka gudihiisa ku sugan.
Dadka uu cudurkan halista ah meel aad u fog la gaaray balse ka badbaaday waxaa ka mid ah Cabdiwahaab Axmed Cali, oo ah qoraa Soomaali ah oo ku nool magaalada Muqdisho.
Cabdiwahaab Axmed Cali waxa uu BBC-da u sheegay in uu gaaray heer uu go’aansaday in uu noloshiisa soo afjaro gabi ahaanba.
Qoraal uu ka sameeyay marxaladihii xilligaas soo maray noloshiisa ayu uku sheegay in uu ciriiri badan dareemay.
“Dhammaadkii sannadkii 2018, wax kasta oo agteyda qiimo ku lahaa waa ay macno beeleen. Waxa aan lumiyay hamiyadii laabteyda gubi jiray, riyooyinkii aan naawilayay iyo rajooyinkii aan la noolaa,” ayuu ku yiri qormadiisa.
Waxa uu sheegay in uu isu arkayay “qof aysan naf ku jirin oo qolof ah”.
Waqtigaas ka hor ayuu joojiyay waxbarashadii Jaamacadda ee uu aadka u jeclaa, waxa uuna isaga tagay shaqadiisii isagoo aan shaqo kale meel ku ogeyn.
“Waxaan damcay inaan is dilo”
Laakiin tii ugu darneyd waxay ahayd markii uu go’aan ku gaaray in uu isdilo.
“Markii aan rabitaanka lumiyay, hurdo isa seegnay, cunto iyo salaadna kala baadnay, waxaa sii dhammaanayay rejadii aan ka qabay nolosha,” ayuu yiri.
Isagoo sharraxaya sida ay niyaddiisa ugu qancisay inuu isdaldalo ayuu yiri: “Waxaa laabteyda isa soo taray dareenno xanuun badan iyo fariimo sida dhambaal ah [oo I oranaya] ‘waxaa la gaaray waqtigii aad is dhaafin lahayd ciriirigan ku daashaday ee kuu diiday deggenaashiyaha iyo xasiloonida, waxaa la gaaray wakhtigii aad is dili lahayd”.
In muddo ah ayu uku mashquulsanaa qorsheynta qaabkii uu isu dili lahaa, sida uu ku sheegay qormadiisa.
“Maalinba tan ka dambeysa dareenka isdilidda waxaa uu igu ahaa wax aad uga mid ah maalinlahayga. Mar waxa aan ka fekeraa kawarran haddii aan gaari xawaareynaya aan iska tuuro?”
Ka hor inta uusan ku fikirin in uu isdilo waxa uu ka fogaaday dhammaan dadkii ay is yaqaanneen iyo bulshada inteeda kaleba.
Waxyaabaha kale ee lasoo gudboonaaday waxaa ka mid ahayd in uu telefoonkiisa gacanta nacay, mashquul dhanka naftiisa ahna uu muddo dheer ku jiray.
Maalin maalmaha ka mid ah ayuuse wax badan ka faa’iiday la tashi uu keligiis isla sameeyay oo uu su’aalo badan ku weydiiyay naftiisa, ilaa uu is canaantay oo go’aanka keliya ee u soo baxay uu noqday mid wax ku ool ah oo ku dhiirrigelinaya in uu ka baxo xaaladda u uku jiro.
“Su’aalaha aan isweydiinayay markii aan xaaaddaas gaaray ayaan ka dhex helay sababo ay tahay inaan u noolaado, meeshaas ayaana ka billaabay kabashadeydii,” ayuu ku yiri wareysi uu siiyay BBC-da.
Ugu dambeyntii waxa uu kusoo kabsaday dadaal dheer oo uu naftiisa la galay, isagoo isku khasbay inuu ugu horreyn toosiyo xiriirka kala dhaxeeya Alle.
Qodobbada u uku guuleystay si uu uga gudbo nolosha adag iyo welwelka ayaa kala ah;
● Soo celinta iyo hagaajinta xiriirka Alle
● Qoridda tabashooyinka
● Dejinta hadafka
● Joojinta dhaleeceynta nafta
● Toosinta jadwalka hurdada
● Barashada iyo daraaseynta naftaada
BBC
Leave a Reply