Xasan Sheekh oo arrimo badan shaaca ka qaaday kulankii xalay ee Muqdisho

Xasan Sheekh oo arrimo badan shaaca ka qaaday kulankii xalay ee Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad lagu xusayay madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya AUN Aadan Cadde ayaa sheegay arrimo badan.

Xasan Sheekh ayaa ballan qaaday maktabad Qaran in loo dhisayo professor, Maxamed Cusmaan (Jawaari), kaas oo shalay lagu aasay Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa faray Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheikh Cabdikhaadir, in uu keeno dhulkii laga dhisi lahaa Maktabadda Qaran ee Jawaari, loogu magac darayo.

“Qofkii garoonka Aadan Cadde ka soo dega wuxuu dhahaa magacaan muxuu ahaa? Si lamid ah qofkii Buug ka iibsaday Maktabadda Jawaari waa inuu dhahaa magacaan muxuu ahaa, si loo baro halyeygaas abaalka gashaday umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

“Waxaan dhiseynaa Maktabad Qaran oo lagu xusuusa doono Prof. Jawaari, wasiirka waxbarashada ayaa arintaas u xil-saaran, waa uu joogaa caawa, waxaana farayaa inuu dhulkii keeno, waa dhiseynaa, hadii guri dhisan la helana kaba sii fiican.”

Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in ahmiyad xooggan oo weeyn u leedahay Ummadda Soomaaliyeed, in la maamuuso Profosoor Jawaari, si jiilka danbe taariikh ugu noqoto.

Dhanka kale Xasan Sheekh, ayaa ka hadlay taariikhdii Allaha u naxariistee Madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan, Aadan (Cadde), isagoo ku sifeeyay halyey tusaale wanaagsan u ahaa Soomaalida iyo guud ahaan Ummadaha Afrika.

“Aadan Cabdulle wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horreeyay Afrika ee doorasho ku yimid, doorashana xafiiska uga tegay, 1960-kii wuxuu ahaa sanadkii Afrika, Aadan Cadde wuxuu ahaa madaxdii taariikhda dhigtay, wax badan ayey nooga tageen Aabayaasheen oo Aadan Cadde ugu horeeyo, wax waa naga lumeen waxna weli waan heysanaa, diinta, dhaqanka, afka, taariikhda iyo waxyaabo kale oo muhiim ah ayaan weli heysanaa,”

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa hadlay ku dhowaad 30 daqiiqo, isagoo la filayay in uu khudbaddiisa dhinaca kale uga baxo sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday madaxdii dalka soo maray dhammaantood, sidoo kalena wuxuu sheegay in Soomaaliya, ay tahay dalalka keliya ee madaxdooda ay nooshahay.

Sidoo kale Warbaahinta ayaa loo diiday khudbadda madaxweynaha in live ama si toos ah, u tabiyaan sidoo kalena ay duubaan khudbadda halka lagu amray warbaahinta in ay ka baxaan hoolka kaas oo ahaa Hotel Jazeera, arrintaasi ayaa dhammaan warbaahinta madaxa bannaan ka biyo diideen.