Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Burundi

Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Burundi

Muqdisho (Raxanreeb) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Burundi Mudane Albert Shingiro oo booqasho ku jooga caasimadda dalka ee Muqdisho.

Wasiirka ayaa soo gaarsiiyey Madaxweynaha farriin iyo salaan uu ka siday Madaxweynaha dalkiisa Mudane Évariste Ndayishimiye, iyada oo dowladda Burundi ay hoosta ka xariiqday muhiimadda nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay u leedahay gobolka iyo adduunka.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in dalkiisu ay bogaadinayaan guulaha deg-degga ah ee dowladda Soomaaliyeed ay ka gaartay dagaalka lagula jiro argagixisada Al-Shabaab, isaga oo sheegay in dalkiisu ay garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa waxa uu kala hadlay Wasiirka xoojinta xiriirka labada dal, wuxuuna xusay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay soo dhawaynayaan booqashadiisa, taasi oo ka tarjumeysa hor u socodka dowladnimada Soomaaliyeed iyo dib u kabashada dalka.

Mudane Albert Shingiro ayaa Axadii soo gaaray dalka, wuxuuna horkacaya wafdi ballaaran oo uu qeyb ka yahay General Silas Ntigurirwa oo ah la-taliyaha Madaxweynaha Burundi ee dhanka ciidamada.

Wasiir Albert Shingiro ayaa waxaa Muqdisho ku soo dhaweeyay dhiggiisa Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo ay yeesheen wada-hadallo gaar ah, kuwaasi oo diiradda lagu saaray taageerada xagga ammaanka ee Burundi ay siiso Soomaaliya, iyagoo qayb ka ah howl-galka ATMIS.

Burundi ayaa ka mid ah waddamada dhanka militariga ka taageera Soomaaliya, waxayna qayn ka yihiin howl-galka ATMIS ee ururka Midowga Afrika.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socdo dagaal culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, iyada oo dhawaan uu si rasmi ah u bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka oo qeyb ka noqonayaan waddamada ciidamada ka joogaan dalka.