Ciidanka Dowladda & Al- Shabaab oo ‘’fooda is daray ‘’

Ciidanka Dowladda & Al- Shabaab oo ‘’fooda is daray ‘’

Beledwayne (Raxanreeb ) Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidanka Dowladda Soomaaliyo Al- Shabaab ka dhacay deegaanka Madax-Maroodi ee kuyaalla deegaan dhaca Galbeedka degmada Matabaan

Wararka ayaa sheegaya in weerarkaas ay ku dhinteen laba qof , halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen kuwaas oo u badan dhinacyada ku dagaalamay gobolka Hiiraan.

Saraakiisha Dowladda ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xubno ka mid ah Al- Shabaab ay ku dileen dagaalka ka dhacay galbeedka  degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Madax-Maroodi ayaa sheegaya in  xiisad dagaal ay hadda ka taagan deegaanka, taas oo salka ku haysa weerarka.

Gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah deegaanada ay ka socdaan howlgalada ka dhanka ah Al- Shabaab waxaana  jira meelo badan oo  ay la wareegeen ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Dagaal qaraar oo u dhaxeeya ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka iyo kooxda Al- Shabaab  ayaa ka dhacay deegaanka Ceela-hele oo Koonfur bari kaga beegan magaalada Beledweyne.

Dagaaalka ayaa yimid kaddib markii Al- Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin  ciidanka Dib-u-xoreynta deegaanka ku lahaayeen deegaankaasi.

Hubka dagaalka la isku adeegsanayo ayaa laga maqlayaa deegaanno ku dhow magaalada Beledweyne.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa maalmo ka hor sheegay  in ay sugayaan amniga deegaanada inta badan laga saaray  Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in gobolada dalka uu ka  bilaaban doono wajiga labaad ee howlgalada Al- Shabaab lagaga saaray guud ahaan dalka

Leave a Reply

Your email address will not be published.