Xasan Sheekh oo laga diiday in sida uu doonto u adeegsado Golaha Shacabka .

Xasan Sheekh oo laga diiday in sida uu doonto u adeegsado Golaha Shacabka .

Muqdisho (Raxanreeb )- Magaalada Muqdisho waxaa ka qabsoomay kulan dhaxmaray Guddoomiyaha golaha shacabka Aadan Madoobe iyo xubno xildhibaano ah

Labada dhinac ayaa isla soo qaaday sida  ugu haboon ee Villa Soomaaliya ay  uga dhax bixi karto howlaha Golaha shacabka ee Barlamaanka , maadama saameynteeda ay ka jirto Golaha.

In ku badan 20  mudane ayaa la kulmay Guddoomiyaha Golaha shacabka  Sheekh Aadan Madoobe kuwaas oo u sheegay in  in Golaha aan lagu wadi karin Ajandaha Madaxtooyada.

Waxa ay xildhibaanadan u sheegeen Aadan Madoobe in sidan  aan lagu sii wadi karin howlaha Baarlamaanka, sidaas darteed Guddoonka Baarlamaanka looga baahan yahay inuu ka baxo jeebka Madaxtooyada iyo Xukuumadda.

Xildhibaannada ayaa ka digay in haddii Guddoonka uu sii wado afduubka uu ku haayo howlaha Baarlamaanka ay qasab noqon doonto inuu xirmo fadhiyada Baarlamaanka, wixii mas’uuliyad ah ee ka dhasha uu qaadayo Guddoonka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.