Xasan Sheekh oo markii saddexaad booqasho ku tegay Asmara

Xasan Sheekh oo markii saddexaad booqasho ku tegay Asmara


Asmara (Raxanreeb) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale galabta booqasho ku tegay magaalada Asmara ee dalka Eritrea, halkaasi oo uu garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey dhiggiisa Isaias Afwerki.

Qoraal kooban oo Villa Somalia ay twitter-ka soo dhigtay ayaa lagu sheegay in safarkan uu yahay mid shaqo, islamarkaana madaxweynaha uu wada-hadallo ku saabsan xiriirka labada dal la yeelan doono madaxweyne Afwerki.

Waa booqashadii saddexaad ee madaxweynaha uu ku tago Asmara, tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May 2022.

Eritrea ayaa waxay tababartay in ka badan 5,000 oo askari oo Soomaali ah, kuwaas oo dalkaas ku sugnaa muddo ka badan laba sano.

Qeybtii ugu horreysay ee ciidankaas ayey dowladdu billowday inay dalka kusoo celiso bishii December 2022, hase yeeshee weli ma cadda haddii lasoo dhameystiray soo-celinta ciidankaas.

Dhinaca kale, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxwyenaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyey VOA ku sheegay inay dawladdu kumannaan ciidamo Soomaali ah oo hor leh tababar ugu dirtay Eritrea iyo Uganda, halka kuwo kalena loo qaadi doono Itoobiya iyo Masar.