Muqdisho (Raxanreeb) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada ku qaabilay wiil dhallinyaro ah, oo lagu magacaabo, Cabdullaahi Jaamac Maxamed, oo kaalinta 2-aad ku guuleystay billadda qalinka ah tartanka orodka 5000m ee Ciyaaraha Guud ee Qaramada Afrika, oo lagu qabtay dalka Ghana.
Xasan Sheekh, ayaa ku ammaanay Cabdullahi, guushaan xooggan oo uu usoo hoyiyay dalka sidoo kalena tilmaamay guusha Cabdullahi gaaray ay tahay mid taariikhi ah, dhiiragalina u ah, ciyaaraha fudud ee dalka iyo dhallinyarada Soomaaliyeed.
Sidoo kale ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, ayaa xalay xafiiskiisa ku qaabilay Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo ah Orodyahan Soomaaliyeed oo guul ka soo hooyey, billad qalin ahna Soomaaliya ugu soo guuleystay orodka 5000 ee mitir ee Kulankii 13aad ee Cayaaraha Afrikaanka (13th African Games), kaas oo ka dhacay Accra, Ghana, 22kii Maarso 2024.
Ku-xigeenka ayaa tilmaamay in Cabdullahi uu yahay nin dhallinyaro ah, oo ammaan gaar ah mudan, maadaama uu iskiis isugu xilqaamay in uu waddankiisa iyo calankiisa ku metelo fagaarayaasha ciyaaraha ee caalamiga ee Africa.
“Cabdullaahi dadaalkiisa iyo go’aan-qaadashadiisu waxa ay dhiirragelin u yihiin dhallinyarada Soomaaliyeed, in aanay meel kale ka sugin ee horumarinta ay iyagu hormood u yihiin, iyo in guushu tahay mid la gaari karo, si walba oo caqabaduhu u badan yihiin”. Ayuu yiri Saalax Jaamac.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ahmiyad siineysa horumarinta ciyaaraha iyadoo dhiseysa kaabayaasha ciyaaraha si dhallinyardu u helaan tababaro iyo tartamo caalami ah.
Waxa uu sheegay Saalax Jaamac, in Xukuumadda Dan Qaran ay ka go’an tahay horumarinta karaanka dhallinyarada iyo sare-u-qaadidda xirfadahooda, si ay awood ugu yeeshaan in ay ka qayb qaataan suuqa shaqo abuurka ah.
“Waxa aan ku kalsoon ahay in Cabdullaahi iyo dhallinyarada la midka ah ee isxilqaamayaasha ahi ay guulo intan iyo ka weyn ba ah soo hoyin doonaan sidii aan hore u ga barannay. Xukuumaddu na wax ay garab taagan tahay dadaalka dhallinyarada, waxa na ay diyaar u tahay in ay ku taageerto himilooyinka guusha ee ay ku taamayaan”. Ayuu yiri ku-xigeenka Ra-‘isulwasaaraha.