SSC – Khaatumo & Somaliland oo laga cabsi qabo inay dagaalamaan.

SSC – Khaatumo & Somaliland oo laga cabsi qabo inay dagaalamaan.

Laascanood (Raxanreeb )- Warar kala duwan ayaa ka soo – baxaya xiisad  la sheegay inay u dhaxeeya ciidanka Somaliland iyo maamulka SSC – Khaatumo , waxaana lagu soo waramayaa in qarka loo saraan yahay in dagaal uu dhaco.

Somaliland ayaa boqolaal dhallinyaro ah oo ay sheegtey in tababar u soo xirtay keenteay furimaha la isku horfadhiyo, sidoo kale gaadiid dagaal oo dheeraad ah ayaa la keenay aagaas.

Wararku waxay sheegayaan in Somaliland dooneyso in ay dagaal dib ugu soo qaadeyso gobolka Sool oo laga saarey bishii Agoosto ee sanadkii hore, ka hor maalinta ay sida weyn u xusaan ee 18 May.

Somaliland ayaa maalmihii u danbeeyey dhaq-dhaqaaq xooggan ka wadey jiidaha ciidamadu isku hor fadhiyaan ee degmada Oog oo u dhaxaysa Burco iyo Laascaanood.

Xoghayaha Warfaafinta maamulka Khaatumo SSC, Daahir Cabdirisaaq Axmed ayaa sheegay in ciidamadoodu ay ku sugan yihiin deegaanadooda isla markaana aysan cidna dagaal kula jirin haatan.

Dagaalka Khaatumo iyo Somaliland ayaa soo jiitamayay in muddo ah waxaana jirin  dadaalo socda  si loo  baajiyo dhiiga daadanaya , isla markaana loo helo xal waara  oo horseeda nabad ku wada noolaha deegaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.