Xasan Sheekh oo sheegay 10k oo saqaale DF inay qaadaneyso

Xasan Sheekh oo sheegay 10k oo saqaale DF inay qaadaneyso

Muqdisho (Raxanreeb) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay in dowladdiisa ay qaadan doonta 10,000 oo shaqaale rayid ah, kuwaas oo la qaadan doona inta uusan dhammaan sanadkaan 2023-ka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho uga qeyb galay munaasabad lagu xusayay maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15 May taas oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda ayuu ka shageey in dowladdiisa ay qaadan doonta shaqaalo cusub.

“Dowladda mashruuc ayey waddaa oo shaqo abuurka dhallinyarada la yiraahdo, sanadka inta uusan dhammaan ayey bilaabanayaan. Dowladda 10 kun oo shaqo in ay abuurto ayaa u dagsan, Wasaaradda shaqada iyo dhallinyarada ayey la kaashaneysaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la yimaadaan xirfad, isaga oo sheegay mushkiladda ay hadda wajahayaan in ay tahay xirfad yari heyso dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Mushkiladda na haystaa waxa ay tahay dhallinyaradeena inbadan oo ka mid ah ma shaqaaleesmi karaan, haddii shaqadii la abuuro xitaa ma shaqaaleesmi karaan; xirafadda aan baranno, oo xirfadda midda dhibka badan waa midda dadka dhisaya aan baranno,” ayuu sii yiri Madaxweynaha.

Dhallinyarada Soomaaliyeed oo lagu qiyaaso in ay bulshada ka yihiin 75% ayaa hadda wajahaya shaqo la’aan baahsan, iyada oo dowladda federaalka Soomaaliya aysan qaadan shaqaalo rayid shantii sano ee la soo dhaafay.