WARCUSUB : Dagaal ka dhashay doorashada oo Garoowe ka socda

WARCUSUB : Dagaal ka dhashay doorashada oo Garoowe ka socda

Garoowe (Raxanreeb ) Wararka aan ka helayno  – magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan Madaxwayne Saciid Deni & xubnaha mucaaradka.

Dagaalkan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah, balse weli lama oga tirada rasmiga ah ee khasaaraha.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dinteen ilaa Afar Ruux Saddex kalena ay ku dhaawacmay, kuwaas oo u badan dhinacyadii dagaalamay ee katirsan Ciidamada Puntland.

Dagaalkan ayaa yimid saacado kaddib markii siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ku baaqeen in la joojiyo doorashooyinka qof iyo cod.

Doorashada goleyaasha degaanka Puntland ee qof iyo cod ayaa loo madlan yahay 25 ka bishan May, waxaana laga cabsi in doorashadan lagu muransan yahay ay Puntland ka dhaliso dagaalo iyo qalalaase siyaasadeed.

Xaaladda siyaasadeed ee Puntland ayaa haatan ah mid cakiran, waxaana la’isku hayaa arrinta doorashada, ayada oo ay sii dheer tahay khilaafka kala dhexeeya dowladda dhexe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.