Xasan Sheekh oo xil cusub u magacaabay Cali Jayte

Xasan Sheekh oo xil cusub u magacaabay Cali Jayte

Muqdisho (Raxanreeb) — Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xil cusub u magacaabay guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jayte Cismaan.

Madaxweynaha oo digreeto soo saaray ayaa Cali Jayte u magacaabay u qeybsanaha xafiiska madaxweynaha ee arrimaha ciidanka difaaca dadweynaha ee Macawisleyda.

Ujeedada magacaabistan ayaa salka ku heyso sidii mar kale boorka dib looga jafi lahaa ciidanka deegaanka oo door muuqda ka qaatay dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Cali Jeyte ayaa lagu xasuustaa hoggaaminta gulufkii cuslaa ee dadka gobolka Hiiraan Al-Shabaab kaga xoreysteen inta badan dhulkii gobolkaas ay ka joogeen xubnaha kooxda.

Sidoo kale magacaabistiisa ayaa meesha ka saareysa khilaafkii ka taagnaa Beledweyne ee ka dhashay xilka qaadistii lagu sameeyay Cali Jayte.

Horay madaxweynaha iyo Cali Jayte ayaa ugu kulmay degmada Maxaas, halkaas oo lagu gaaray heshiis dhexmaray dowladda iyo beesha Xawaadle oo ku aadan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Si kastaba, hoggaaminta Cali Jayte ee ciidanka Macwiisleyda ayaa loo arkaa mid muhiim ah sii dhaqaajinta dagaalka Al-Shabaab, maadaama wajigiisa koowaad uu wacdaro ka dhigay gobolka Hiiraan.

Soomaaliya waxaa ka socda dagaallo culus oo lagu qaaday Al-Shabaab, kuwaas oo laga gaaray guullo waa weyn, marka la eego deegaanada HirShabelle iyo Galmudug.