Xasan Shekh & Masu’uliyiin kale oo xarigga ka jaray dekedda Garacad

Xasan Shekh & Masu’uliyiin kale oo xarigga ka jaray dekedda Garacad

Muqdisho (Raxanreeb) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa hadda xarigga ka jaray wajiga koowaad ee dhismaha Dekedda Garacad ee Gobolka Mudug.

Dekada Garacad ayaa bisha soo socota la furi doonaa iyadoo noqon doonta waddo ganacsi oo cusub oo isku xiri doonta gobolka Koonfur-bari ee Itoobiya iyo Soomaaliya gaar ahaan Puntland.

Horumarintan ayaa qayb ka ah qorshe maalgashi oo ay ku baxayso lacag dhan 531 milyan oo doolar oo loogu talagalay in lagu kobciyo dhoofinta xoolaha, kalluunka, macdanta iyo badeecadaha beeraha, sida uu sheegay Siciid Faadhi, madaxa shirkadda dhisaysa dekeda.

Dekaddaan ayaa awood u yeelan doonta inay ku soo xirtaan maraakiib dhan 40,000 oo tan oo konteenar ah labada janbi ee ugu horeeya oo hadda si buuxda loo dhameystiray iyadoo 2 janbi oo kalana ay hadda shaqo ku socoto kana dhigi doona Dekad afar janbi ah taas oo ka dhigan tan 2-aad ee ugu weyn guud ahaan Soomaaliya.

Dekadda Garacad ayaa noqonaysa meeshii shanaad ee geeska Afrika ee laga helo biyaha gunta hoose oo marin u ah badweynta Hindiya, balse waa tan ugu dhow dalka Itoobiya xaga dekadaha badweynta Hindiya oo ah dal aan bad lahayn oo ay ku nool yihiin 115 milyan oo qof.

Soomaaliya waxay dhoofisay $1.5 bilyan oo badeecooyin iyo adeegyo ah sanadka 2021, saddex meelood meel ahaan waa xoolo, sida lagu sheegay xogta dowladda. Taasi waxay ahayd koror 30% ah sannadkii hore.

Leave a Reply

Your email address will not be published.