Xeer ilaalinta oo war kasoo saaray haweenay ‘dil iyo dhaawac culus’ u geysatay carruur da’ yar

Xeer ilaalinta oo war kasoo saaray haweenay ‘dil iyo dhaawac culus’ u geysatay carruur da’ yar

Muqdisho (Raxanreeb) — Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaciyay inuu gacanta ku hayo baarista kiis xasaasi ah oo la xiriira haweenay dil, dhaawac culus iyo jirdil u geysatay laba carruur ah.

Haweenaydaas oo la horgeeyay maxkamadda gobolka Banaadir ayaa waxa uu xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud uu sheegay inay magaalada Muqdisho ugu geysatay dil iyo jirdil wiil yar oo 3 sano jir ah.

Sidoo kale waxay haweenaydan dhaawac halis ah u geysatay gabar yar oo 7 sano jir ah, waxaana carruurtan dhalay seyga eedeysanadda oo isagu ka maqan dalka, sida uu xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray.

“Fal-dembiyaadkaas oo baaristiisa uu gacanta ku hayo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa marka ay natiijada baaristiisu soo dhamaato u gudbin doonaa Maxkamadda awoodda u leh,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Xafiiska ayaa sidoo kale wuxuu uga digay waalidiinta dayaca masuuliyadda ka saaran carruurtooda.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa waxa kale oo uu sheegay inuu had iyo goor u taagan yahay difaaca iyo dhowrista xuquuqda dadka nugul oo ay carruurtu kamid yihiin, si waafaqsan qodobka 8-aad XNG.

Ugu dambeyntiina waxa uu xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ku booriyay bulshada Soomaaliyeed inay lasoo wadaagan xad-gudubyada ka dhanka ah carruurta iyo guud ahaan dadka nugul.