Hooyo Soomaaliyeed oo 4 carruur oo mataano ah ah ku dhashay Isbitaalka Banaadir

Hooyo Soomaaliyeed oo 4 carruur oo mataano ah ah ku dhashay Isbitaalka Banaadir

Muqdisho (Raxanreeb) — Hooyo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Farxiyo Xuseen Cali ayaa xalay 4 carruur ah oo mataano ah ku dhashay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliyada, iyada oo ku dhashay Isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir.

Mataanahaan ay dhashay Hooyo Farxiyo Xuseen Cali ayaa dhammaantooda wada ah gabdho, waxa ay dhasheen iyaga oo Caafimaad qaba, si la mid ah Hooyadood ayaa caafimaad qabta sida ay sheegtay Agaasimaha Isbitaalka Banaadir.

Hooyo Farxiyo oo ah Hooyada dhashay Mataanahaan ayaa degneed deegaanka Oodweyne oo ka tirsan Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir, iyada oo todobado sano ka hor ka timid Gobolka Hiiraan gaar ahaan degmada Jalalaqsi.

Agaasimaha Isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka Banaadir Fartuun Shariif Maxamed oo bulshada la wadaagtay xogta Hooyada iyo caruurteeda ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsatay in la garab istaago caruurtaan iyo waalidkooda,

Sidaan oo kale dhammaadka bishii Maarso ee isla sanadkaan ayey ahayd markii sidaan oo kale Hooyo Maryan Maxamed Xasan ay ku dhashay 4 carruur ah isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho.