Xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka ismaamulka Wajeer oo lagu afduubtay magaalada Nairobi

Xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka ismaamulka Wajeer oo lagu afduubtay magaalada Nairobi

Wajeer (Raxanreeb online) – Xildhibaan Yuusuf Xuseen oo katirsan xildhibaannada golaha deegaanka ee ismaamulka Wajeer, ayaa lagu la’yahay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya muddo ka badan 10-maalmood, waxaana jira tuhun la xariira in xildhibaanka afduubteen laamaha ammaanka Kenya.

Sidoo kale, magaalada Wajeer waxaa shalay ka dhacay dibadbax weyn oo lagu dalbanayay in xildhibaan Yuusuf Xuseen meel lagu sheego, waxa ayna dadka dibadbaxa dhigayay dowladda Kenya ka codsanayeen in xildhibaanka arrinkiisa meel u yeesho ayna caddeyso halka uu ku maqan yahay.

Dhanka kale, Xildhuibaan Yuusuf Xuseen ayaa la waayay muddo ku dhow labo isbuuc kahor, waxaana xildhibaanka lagu tuhmayaa in laamaha ammaanka dalka Kenya ay afduubteen meelna ku heestaan, laamaha ammaanka ayaana ilaa hadda war cad kasoo saarin maqnaashaha xildhibaankan iyaga lagu tuhmayo.

Sahal Moogow Maxamuud oo ah ka mid ah xildhibananada laga soo doortay Wajeer, ayaa sheegay in Wajeer ka dhigeen iyaga iyo bulshada magaalada dibadbax cabasho ka dhan ah maqnaashaha saaxiibkood, waxa uuna xusay in dibadbaxoodu ahaa sharci una gudbinayeen dowladda in ay meel ku sheegto xildhibaanka.

Xildhibaan Sahal Moogow ayaa sheegay in ay tuhmayaan in xildhibaanka lagu afduubtay magaalada Nairobi oo ku sugnaa markii la weenayay, waxa uu xusay xildhibaanka in ay tuhmayaan in  dowladda gacanta ku heyso ayna qarinayaan.

“Waxa aan ku tuhmeynaa laamaha amniga inay hayaan, Nairobi ayaana lagu afduubay, ma aamini karno mana qaadan karno sababaha ay bixinayaan wasiirka iyo laamaha amniga saraakiisha u sareysa, maxaayeelay meesha xildhibaanka laga qaaday waa magaala madaxdii waxay leedahay kaamirooyin, marka shaqsi kale kuma tuhunsanin, waxaan aaminsanahay in dowladda gacan ku hayso,” ayuu yiri xildhibaan Sahal Moogow Maxamuud, oo ka tirsan mudanayaasha laga soo doortay Wajeer.

Xildhibaanka ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dowladda Kenya in ay ka hadasho kiiskan maqnaashaha xildhibaan Yuusuf Xuseen, waxa uuna ka codsaday dowladda haddii ay iyagu heestaan xildhibaanka xitaa looga baahan yahay in ay caddeeyaan sababta ay u qafaasheen una heestaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.