Xildhibaano Mooshin kalsooni kala noqoshaha ah kawada Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi

Xildhibaano Mooshin kalsooni kala noqoshaha ah kawada Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Xildhibaan Cabdi Ladiif Muuse ( Sanyare) oo katirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in wadaan mooshin kalsooni kala noqosha ah Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cabdi Barre.

Xildhibaan ayaa tilmaamay in qorshaha uu yahay in 23-ka bishan markii uu furmo kalfadhiga Baarlamaanka ay keenayaan Mooshinka.

Waxa uu hoosta ka xariiqay Xildhibaan Sanyare in 120 mudane oo katirsan golaha shacabka ay Mooshinka saxiixeen, halka 20 saxiixo oo kaliya ay sugayaan si Baarlamaanka u keenaan.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay in xildhibaanka doonaya in mooshinka uu ku biro ama “cibaadeysto” uu la soo xiriiro sida uu hadalka u dhigay.

“Mooshinka kalsooni kala-noqoshada Xukuumada Xamse Cabdi Bare, ee lakeeni doono maalinta sabtida ah 23 Augast insha allaah, waxaa saxiixay xildhibaabano gaaraya 120 mudane, wali waxaa naga dhiman 20 mudane, xildhibaankii raba inuu cibaadaysto aniga ha ilasoo xiriiro.” Ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaane Sanyare.

Geesta kale xildhibaanka si toos ah u sheegin sababta ay mooshinka u keenayaan, balse warar madax banaan ayaa sheegaya in ay jiraan walaacyo siyaasadeed iyo khilaafka gudaha ee golaha shacabka, kaasi oo salka ku haya hab-maamulka xukuumadda iyo wax-qabadka Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Leave a Reply

Your email address will not be published.