Xisbullah oo sheegtay inay hub cusub u adeegsatay weerarro ay ku qaadday Israa’iil

Xisbullah oo sheegtay inay hub cusub u adeegsatay weerarro ay ku qaadday Israa’iil


Lubnan (Raxanreeb) — Hoggaamiyaha Xisbullah ayaa Sabtidii sheegay inay hub cusub u adeegsanayso weerarrada ka dhanka ah Israa’iil, iyad oo rasaasta la isweydaarsanayo ee xadka koonfureed ee Lubnaan ay sii xoogaysanayso, xilli Israa’iil ay dagaal kula jirto kooxda Xamaas ee Gaza.

Sida Sayyed Hassan Nasrallah uu ku sheegay khudbadiisii labaad ee telefishinka laga sii daayay tan iyo markii uu billowday dagaalka Xamaas iyo Israa’iil, waxay toddobaadkii la soo dhaafay, kooxda ay Iran taageerto ay “xoojiyeen ficilkooda “hoggaanka Lubnaan marka loo eego tirada hawlgallada, bartilmaameedyada iyo nooca hubka,”

Dhaqdhaqaaqa Muslimiinta Shiicada ah ayaa markii ugu horeysay adeegsatay gantaalada Burkan, isaga oo intaa ku daray in gantaalahaas ay qaadi karaan “culus dhan 300-500 kiilogaraam.”

Hezbollah ayaa billowday inay adeegsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn “markii ugu horreysay taariikhda iska caabbinta” gudaha Lubnaan, sida uu sheegay Nasrallah, isaga oo intaas raaciyay inay gudaha Israa’iil ku duuli jireen “diyaaradaha wax basaasa” maalin kasta, qaarkoodna ay gaareen Haifa, Acre iyo Safed.

Hadalka Nasrallah waxa uu dhaliyay digniin ka timid wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Gallant, oo sheegay in muwaadiniinta Lubnaan “ay cawaaqib xumo kala kulmi doonaan ficilka Xisbubllah” wuxuuna raaciyay: “Waxa aan ka samaynayno Gaza, waxaan sidoo kale ku samayn karnaa Beirut”.

Tan iyo markii Xamaas ay 7-dii Oktoobar weerar ku qaadday Israa’iil marinka Qaza, xuduudda koonfureed ee Lubnaan waxaa sii xoogaysanayay is-weydaarsiga weerarrada oo u dhexeeya Israa’iil iyo Hezbollah, oo xulafo la ah kooxda Falastiiniyiinta, taas oo kicinaysa cabsida laga qabo in uu dhaco dagaal ballaadhan.