Xizbullah oo gantaalo ku rushaysay Israa’iil kadib dilka taliye sare

Xizbullah oo gantaalo ku rushaysay Israa’iil kadib dilka taliye sare

Kooxda Xizbullah ee ka dagaalanta dalka Lubnaan ayaa gantaalo is xigxigay ku garaacday waqooyiga Israa’iil Arbacada, ka dib markii Israa’iil ay duqeyn cirka ah ku dishay taliye sare oo ka tirsan oo ku sugnaa koonfurta Lubnaan maalin ka hor.

Xizbullah ayaa si maalinle ah waxa gantaallo ka gudba xuduudda isku weydaarsanayeen Israa’iil tan iyo markii ay xulafadooda Falastiin ee Xamaas ay weerar ku qaadeen koonfurta Israa’iil 7-dii October, taasi oo dhalisay dagaalka ka socda Gaza.

Is-dhaafsiga gantaallada ayaa kordhay toddobaadyadii tegay, ayada oo Xizbullah ay sare u qaaday adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha la socon, si ay u weerarto xarumaha militariga Israel, halka Israa’iil ay ku jawaabtay weerar beegsi oo ka dhan ah kooxda.

Xizbullah ayaa sheegtay in ay “tobanaan gantaalaha Katyusha ah” ku garaacday saddex saldhig iyo xero ku taalla waqooyiga Israa’iil.

Kooxdan ay Iiraan taageerto ayaa sheegtay inay gantaallo la hagayey ku garaaday “warshad militari” ayada oo “ka jawaabeysa dilka ay fuliyeen cadowga Sahyuuniyadda.”

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in; in ka badan 150 “gantaal” looga soo weeraray koonfurta Lubnaan, kuwaas oo ka koobnaa saddex duqeymo oo xiriir ah.

“Waqti yar ka hor, ku dhawaad 90 madfac ayaa la aqoonsaday iyagoo ka soo gudbaya Lubnaan,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay ciidamada Israa’iil, oo intaas ku daray in dhowr laga qabtay hawada, balse kuwa kale ay ku dhaceen gudaha Israa’iil, ayna dhaliyeen dab ka kacay qeybo ka mid ah waqooyiga.

Duqeymihii hore ayaa waxaa xigay wareeg labaad oo duqeymo ah oo ka koobaa 70 gantaal, iyo wareeg saddexaad oo ahaa 10 gantaal.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ayaga oo ka jawaabaya ay beegsadeen goob gantaallada laga soo tuuro oo ku taalla koonfurta Lubnaan, iyo “afar xarumo argagixiso oo horey weerar gantaallo looga soo qaaday waqooyiga Israa’iil.

Weeraadan ayaa imanaya kadib markii duqeyn ay fuliyeen ciidamada Israa’iil lagu dilay taliye sare oo ka tirsan Xizbullah Talaadadii.

Kooxda Xizbullah ayaa magaca taliyaha ku sheegtay Taleb Sami Abdallah, oo sidoo kale loo yaqaan Abu Taleb, kaasi oo dhashay1969-kii.

Waxaa lala dilay saddex saaxiibadiis ahaa oo ka tirsanaa Xizbullah, weerar ay Israa’iil ku qaadday Jouaiyya, oo 15 kilometer u jirta xudduudda, sida ilo-wareedyo ku dhow kooxda ay u sheegeen AFP.

Ilo-wareedyo ka tirsan militariga Lubnaan ayaa sheegay in taliyaha uu ahaa “kii ugu muhiimsanaa ee Xizbullah lagu dilo ilaa hadda tan iyo markii uu dagaalka bilowday”.V